Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Simone Inzaghi ayaa noqday macallinka cusub ee kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga.
Tababaraha reer Talyaani ayaa kooxda Nerazzurri u saxiixay heshiis cusub oo labo sanadood ah.
Bayaan ka soo baxay kooxda Inter Milan ayaa lagu xaqiijiyey warkan waxa uuna u dhignaa: “Kooxda kubadda Internazionale waxa ay jeceshay inay kooxda ku soo dhoweyso Simone Inzaghi, waa macallinkeenna kooxda koowaad, Tababarahan reer Talyaani ayaana heshiis labo sanadood ah u saxiixay Nerazzurri.”
Simone Inzaghi ayaa buuxin doona booskii uu banneeyey Tababarihii kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkan ku hoggaamiyey Horyaalka Serie A ee Antonio Conte, kaasoo maamulka naadiga ay isku qabsadeen arrimo la xiriira suuqa kala iibsiga xiddigaha.