Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa bixisay lacag ka badan qandaraaska lagu burburin karo Martin Zubimendi si ay u helaan saxiixiisa, sida ay warinayso Diario AS.
Qandaraaska lagu burburin karo ee Zubimendi wuxuu ahaa €60m, balse Arsenal waxay bixisay qiyaastii €70m si ay u helaan khad dhexe oo halis ah.
Real Madrid ayaa ka baxday tartanka saxiixa ciyaaryahanka maadaama aysan u arkin inay u baahanyihiin ciyaaryahan dhexdhexaad ah. Madrid waxay qorshaynayaan inay ku tiirsanaadaan ciyaartoyda sida Tchouameni, Camavinga iyo Ceballos.
Zubimendi wuxuu doonayay inuu ka hoos ciyaaro Xabi Alonso oo uu ku biiro Real Madrid, balse wuu waayay wicitaankii uu filayay.
Dhanka kale, waxaa jira xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya Arsenal iyo Real Sociedad, taasoo sahashay in heshiisku u weecdo kooxda Ingiriiska ah. Labada kooxood ayaa ku heshiiyay in Arsenal ay bixiso €70m saddex goor oo kala duwan.