Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka Jubbaland oo gacan ka heleysa Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Qadar ayaa Deeq Rashin ah gaarsiiyay Qaar kamid ah Dadka ku nool Deegaanada Waqooyi ee Magaalada Kismaayo.
Deeqdan oo ka kooban Raashinka Qeybihiisa kala duwan ayaa waxaa ugu Horeyn la gaadhisiiyay Deegaanka Istanbul oo ay Dagan yihiin Dad Barakacyaal ah.
Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaqootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland Maxamed Nuur Khadar oo ka hadlay Goobta lagu qeybinayay Deeqdan ayaa tilmaamay in ay ku soo aaday xili ay baahi Weyn u qabeen Dadka ku nool Deegaanka Istanbul.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka Jubbaland Maxamed Cusmaan Jaamac oo goob joog ahaa Qeybinta Rashinka ayaa uga mahad Celiyay Hay’adda Qaqootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland sida ay u soo xushay Dadka nasiibka u yeeshay in ay helaan Deeqdan ka timid Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Qadar.
Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa faah-faahinaya