Deeq lacageed oo la gaarsiiyay barakacayaal ku nool Magaalada Garbahaarey.

0
238

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-In kabadan 250 qoys oo kasoo barakacay abaaraha ka jira gobolka gedo ayaa Deeq lacageed oo gaareysa shankun oo dolar loogu qeybiyey dagmada garbahaarey iyada uu soo dhiibay muwaadin Soomaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa waxaana bixinteeda deeqdan lacageed loosoo wakiishay gudiga abaaraha ee Magaalada garbahaaray

qaar kamid ah gudiga abaaraha magaalada garbahaaray ee gobalka gado ayaa sheegay in deeqdan lacageed ee lasoo gaadhsiiyay ay waxbadan katari doonto baahiyihii ay dadku qabeen.

Dhanka kale  qaar kamid ah dadka ka faa idaystay deqdan lacageed ayaa sheegay in  xili ay u baahnaayeen loo keenay Deeqdaasi lacageed.

Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixintan ku eegaya