Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda howlaha guud iyo Guriyeynta Jubaland ayaa Cisbitaal ka dhagax dhigtay Degaanka Luglow ee Waqooyiga Magaalada Kismaayo.
Dhagax dhiga Xaruntan Cusub ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Jubbaland, Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Jubbaland iyo Xubno ka socday Hay’adda Gift of the Givers oo ah Hay’adda Hirgalinaysa Mashruucan.
Isbitaalkan oo ka koobnaan doona 21 qol ah oo noqon doona Mid ay u dhameystiran yihiin Agabkiisa iyo gaari Kuwa Gurmadka Dag daga ah ayaa waxaa loogu talagay in ay ka faa’iideystaan Dadka Danyarta ah ee Degan Deegaanka Luglow iyo Deegaanada ku xeeran oo la rajeeynayo in ay uga maarmi donaan Goobaha kale ee Caafimaad ee ka fogaa Deegaanka.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya