Deegaanka Dhoobley oo ay soo gaareen dadkii ugu badnaa ee kasoo barakacay abaaraha kajira Deegaanada Jubbaland.

0
445

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xiliyada ay musiibooyiinka dhacaan gaar ahaan abaaruhu waxa ay saameeyaan dhamaan noolaha oo dhan , abaartii ku raagtay gayiga somaalida waxay saamayn balaaran ku reebtay dadka xoola dhaqatada ah kuwaas oo noloshooda kutiirsanayd dhaqashada xoolaha

Deegaanka dhoobley waxaa si maalinla ah u soo gaara qoysas somali ah kuwaas oo gabi ahaamba abaarta baabi’say xolahooda.

Ibrahim xasan waxa uu kamid yahay qoysaska ay abaarta sida ba’an u saameysay wuxuna ka soo guuray tuulada arabow oo buaale u jirta qiyaas ahaan 50km,  ibrahim xasan ayaa inooga warbixiyay safarkiisi.

Dhanka kale gudomiyaha magalada dhoobley siyaad maxamed xasan ayaa baaq u diray hay’adaha samafalka iyo cid waliba oo garab siin karta  walalaha soomaliyeed ee xoolahoodi abaarta dhaafisay

Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya