Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Declan Rice ayaa sheegay in Arsenal ay u baahan doonto wakhtiyo fiican Iyo “Xiniinyo” si ay uga badiso kooxda PSG kulanka lugta 2-aad ee Semi-final-ka champions League laakiin waxa uu sheegay in ay kooxdiisa cidna joojin Karin hadii ay ku jiraan qaab ciyaareedka.
Gunners ayaa ku sugan Paris iyada oo doonaysa in ay ka soo laabato guuldaradii 1/0 ahayd ee ka soo gaadhay PSG lugtii hore ee Semi-final-ka champions League.
Arsenal waligeed ma badin tartanka Yurub iyada oo lugtii hore gurigeeda looga soo badiyay waxayna u baahan doontaa qaab ciyaareed gaar ah oo ay ku soo bandhigto Parc des Princes oo ay kula ciyaari doonto kooxda PSG oo la odhan karo waa kooxda ugu fiican qaarada yurub tan ilaa bilowgii sanadkan.
PSG ayaa ahayd kooxda awooda badan qaybtii hore taas oo keentay in uu Dembele dhaliyo gool wakhti hore ah, Rice ayaana sheegay in ay kooxdiisu ka ay ka naxday goolkii ay PSG Dhalisay.
“Markii aan ka shaqeynay sidii aan u garaaci lahayn iyaga, sida iska cad waxaan khasaarinay dhowr fursadood, laakiin marka la eego sida aan kubbada ugu wadnay, oo aan siinayno garbahayada hal iyo hal fursad, fursadaha ayaa bilaabay inay furmaan,” Rice ayaa tiri.
“Waxa aan qabaa in ay tahay in aan samayno isla sidaas kulankan, waxa aan u baahanahay “Xiniinyo” si aan u soo bandhigno qaab ciyaareed u qalma heerka aan joogno”.