Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa dharbaaxo xun kala kulantay baacsiga Frenkie de Jong kaddib markii wiilka reer Holland uu u sheegay Barcelona inuusan wax xiiso ah u qabin inuu ka tago xagaagan.
Labada kooxood ayaa Lasoo warrinayay maal-mahaan inay ku heshiiyeen qiimo ku kacayay 55 milyan ginni, iyadoo ciyaaryahanka ay ku xiran tahay inuu go’aan ka gaaro halka uu mustaqbalkiisa ku ekaan doono.
Laakiin, sida laga soo xigtay The Guardian, wakiiladda de jong Ayaa United ku wargeliyay in 25 jirka uu doonayo inuu sii joogo kooxda Reer catalan.
Warar ka soo baxayay Spain Talaadadii ayaa soo jeedinayay in Barcelona ay u sheegtay De Jong inuu dhimo mushaarkiisa’ haddii uu doonayo inuu sii joogo kooxda sababo La xiriira dhaqaala xumadda heysto naadigga.
Mundo Deportivo ayaa ku warrameysa in Alemany Cruyff, iyo sidoo kale Xavi, ay la fariisteen De Jong, oo 25 jir ah, ka hor inta uusan dib u soo laaban tababarkiisii ugu horreeyay, wuxuuna sharraxay xaaladda.
Waxaa Lasoo sheegayaan inay u sheegeen De Jong in haddii uu doonayo inuu sii joogo Barcelona, looga baahan yahay inuu dhimo mushaarkiisa 5 milyan ginni sanadkii.
Barcelona ayaa durba lacag badan ku bixisay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Leeds ee Raphinha halka ay si quus ah isugu dayayaan saxiixa weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski.
Barcelona ayaa de Jong ka soo bixisay adduun dhan 72 milyan oo gini xagaagii 2019, tan iyo markaas waxa uu kooxda u ciyaaray 140 kulan.
De Jong ayaa awood u leh inuu sii wato ciyaaraha Champions League-ga haddii uu helo qaab uu ku sii joogo Barcelona, halka United ay ku tartami doonto Europa League xilli ciyaareedka soo socda.