De Bruyne oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisa Man City ka gaartay Borussia Moenchengladbach

0
213

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in kooxdiisu ay u soo baxday wareega Siddeed dhamaadka Champions League.

Manchester City ayaa si raaxo leh isaga xaadirisay wareega siddeed dhamaadka Champions League kaddib markii ay kaga adkaatay Borussia Moenchengladbach 2-0, kulankii lugta labaad wareega 16-ka Champions League, City ayaa cel-celis ahaan labada kulan waxay ku soo baxday 4-0.

BBC Sport ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay Kevin De Bruyne kaddib dhamaadka ciyaarta, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Bilaabashadeena xoogan ayaa kooxda caawisay, waan dulqaadanay bilowgii, marka aan dhalinay 2 gool ciyaartana aan maamulkay, waxaan helnay xoogaa fursado ah.”

“Qaab ciyaareedka xoogaa hoos ayuu u dhacay qeybtii labaad, laakiin taasi waa mid la fahmi karo marka loo eego kulammadii aan ciyaarnay.”

“Marwalba waa muhiim inaad xasilloonaan dareento difaac ahaan iyo koox ahaanba, taasi waxay cadeeneysaa in kooxda oo dhan ay kalsooni qabto, waxayna u wanaagsan tahay arintan Ederson iyo daafacyada.”