Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Goolhayaha kooxda Arsenal David Raya ayaa shaaca ka qaaday waxa ay dareemayaan kooxdu ka hor kulanka Real Madrid.
Maaddaama Liverpool ay hal gacan ku Dhigtay Horyaalka Premier League, tartanka Champions League ayaa ah fursada kaliya ee ay Kooxdu koob ugu guulaysan karto.
Kooxda Mikel Arteta ayaa wajihi doonta kooxda difaacaneysa koobka ee Real Madrid wareega 8da, taasoo lagu wado inuu noqdo kulan xiiso leh.
Halka kooxda 15-ka jeer ku guuleysatay Champions League ay yihiin kuwa ugu cadcad kulanka marka la eego taariikhdooda tartanka.
Iyadoo ay ku dhowdahay dhamaadka bisha, hadalku waa sii kululaanayaa ka hor kulanka iyadoo David Raya uu yahay kii ugu dambeeyay ee ka faallooda wareega 8da.
“Qof walba wuxuu doonayaa inuu ku guuleysto Champions League, qof walbana wuu ogyahay sida ay u adag tahay, laakiin aad iyo aad ayaan u faraxsanahay,” Raya ayaa u sheegay Sky Sports.
“Hadda waxa ina horyaala loolan weyn, oo aan la ciyaareyno Real Madrid, laakiin tani waa nooca ciyaarta oo ah kuwii aad rabtay inaad ciyaarto markii aad yaraad”.
“Tani waa nooca ciyaarta uu qof walba doonayo inuu ciyaaro, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan arko halka ay taasi mareyso.”