Dareenka Xiddigaha Chelsea Ka Qabaan In Pochettino Kooxda Loo Magacaabayo Oo Banaanka La Keenay

0
78

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddigaha kooxda Chelsea ayaa la sheegayaa inay la dhacsan yihiin oo ku faraxsan yihiin wararka kooxdooda la xidhiidhinaya tababarihii hore ee Tottenham ee Mauricio Pochettino.

Tababaraha Argentine-ka ah ayaa ah midka ugu cad cad inuu bedelo Graham Potter oo kooxda laga caydhiyay bilawgii bishan.

Tababare Julian Nagelsmann ayaa ahaa midka hoggaaminaya loolanka shaqada Stamford Bridge kahor intii uusan go’aansan inuu iskaga baxo.

Sida uu sheegayo wargeyska The Telegraph, wadahadalka Chelsea ku doonayso Pochettino ayaa ah mid ay soo dhaweeyeen xiddigaha kooxda oo la sheegay inay ku faraxsan yihiin magacaabistiisa macquulka ah.

Xiddigaha Chelsea ayaa xulal la wadaaga oo ay isku dal yihiin qaar kamida xiddigaha Pochettino kusoo layliyay Tottenham iyagoo halkaas ka helaya aragti la xidhiidha macalinkaas.

Waxa ay ka warqabaan sida uu u yahay dhiirigeliye wanaagsan isla markaana ugu fiican yahay shaqsi maamulka. Si kastaba, imaanshaha 51 sano jirkaas ayaan u fiicnayn dhammaan xiddigaha kooxda maadaama uu taageeri doono qorshaha xiddigo badan lagu dirayo.

Ilaa tobban ciyaaryahan ayaa la filayaa inay ka huleelaan Bridge waxaana kamid ah magacyada la hadal hayo Hakim Ziyech, Conor Gallagher, Mateo Kovacic, Cesar Azpilicueta iyo Aubameyang.

Pochettino ayaa la filayaa inuu sameeyo saxeexyo uu ugu horreeyo weeraryahan dhexe iyadoo durba lala xidhiidhinayo mishiinkiisii goolasha ee Tottenham ee Harry Kane.