Darawalada Gaadiidka Dadweynaha Magaalada Kismaayo oo soo dhaweyay Dhismaha Wadooyinka Waa weyn ee ka socda Kismaayo.

0
143

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Darawalada Gaadiidka Dadweynaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa siweyn u soo dhaweeyay Dhismaha Wadooyinka waaweyn ee ay Jubbaland ka bilowday gudaha Magaalada Kismaayo kuwaas oo gaaraya ilaa iyo Sodan iyo Kow kilo mitir.

Gaadiidleydan ayaa sheegay in marka la dhameeyo Wadooyinkaaasi ay wax badan ka tari doonto isku socodka Xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Qaar kamid ah Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha Magaalada Kismaayo oo lahadlay Warbaahinta ayaa soo dhaweeyay Dhismaha Wadooyinka iyago u mahad celiyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam sido kalana waxa ay bogaadiyeen Maamulka Degmada Kismaayo dadaalada ay ku dar dargalinayaan Wadooyinka muhiimka u ah isku socodka Magaalada Kismaayo.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan ku eegaya