Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaaniya iyo EAC Amb, Ilyas Cali Xasan ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qayb gashay shirka wada jirka ah ee ay caasimadda Zimbabwe ee Harare ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga dalalka xubnaha ka ah Ururada EAC iyo SADC, kaas oo diiradda lagu saaray soo celinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Congo DRC.
Danjire Ilyaas ayaa shirar gaar-gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxda ka qeybgashay kulanka oo ay kamid tahay Marwo Thérèse Kayikwamba, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Congo DRC.
Safiirka ayaa Marwo Thérèse u xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay nabadda iyo xasilooni waarta oo ka dhacda gobolka.
Dhanka kale, waxa uu kala hadlay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Congo DRC iyo sidii wax looga qaban lahaay.