Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ankara oo warqadaha Aqoonsiga laga gudoomay.

0
77

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga Fatxudiin Cali Ospite ayaa waraaqaha aqoonsiga ee danjiranimo u gudbiyey Madaxweynaha Joorjiya (Georgia) Mudane Mikheil Kavelashvili.

Danjirahaan ayaa sidoo kle Soomaaliya uga masuul ah wadamada bartamaha Aasiya iyo Gobolka Koofurta Khowkhaas,waxaana howshiisu tahay isku xirka nidaamka dibolomaasi ee ka dhaxeya dalkeenna iyo kuwa kale.

Kulanka danjiraha iyo madaxweynaha Joorjiya (Georgia) waxaa looga hadlay xiriirka wax wada qabsi ee labada dal iyo sida looo soo celin karo xiriirkii iskaashi ee horay uga dhaxeyn jiray Soomaaliya iyo  Georgia.