Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Booliska magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 40 qof oo Urdun u dhashay kaddib marki lagu helay iyaga oo gudaha dalka Kenya ka dawarsanaya.
Dadka uu booliska Kenya xiray oo ka kooban 40 qof oo isugu jira 19 qof oo waaweyn iyo 21 carruur ah ayaa dalka Kenya ku soo galay fiisaha dalxiiska.
Taliyaha booliska degmada Mavita, Maxwell Agoro wuxuu sheegay inay dadkaas xireen kaddib markii ay xog ka heleen dadka deegaanka.
Dadkaas ajaanibta ah ayaa loo gudbin doonaa Laanta Socdaalka dalka kenya si loo sii hubiyo.Ajaanib badan ayaa gudaha dalka Kenya ka dawarsata, hase yeeshee, wararku waxa ay sheegayaan dad fiiso dalxiis dalka ku soo galay oo dawarsi ku dhaqaaqa inay ugu horreeyaan muwaaddiniintan Urdun.
Dhaqaalaha dalka Kenya ayaa ah kan ugu awoodda badan waddamada Geeska Afrika. Wax-soo-saarka ugu badan uu dhaqaalaha dalka Kenya ku tiirsan yahay ayaa ah beeraha, ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska.
Warbixin uu dabayaaqadii 2021-kii shaaciyay Bankiga Adduunka waxaa lagu sheegay dalka Kenya dhaqaalaha wax-soo-saarkiisa inuu gaaray 110.35 bilyan oo doollar. Waa dal ay ku nool yihiin 53.77 milyan oo qof.