Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Isticmaalayaasha baraha bulshada ee dalka Urdun ayaa faafiyay muuqaal fiidiyoow ah oo muujinaya macalin ku weeraraya ilmo naafa ah xarun gaar ah oo loogu talagalay dadka naafada ah oo ku taal Gobolka Irbid ee waqooyiga dalka.
Macalinka ayaa sida ka muuqata muuqaalka waxa uu barayay cunuga sida saxda ah ee loogu dhawaaqo xuruufta alifbeetada, cunuguna si wanaagsan ayuu uga dhawaaqayey. Laakin dhamaadkii muuqaalka ayaa canugii waxa uu xakameyn waayay candhuufta afka ka soo baxaysa, macalinka ayaana dharbaaxo kaga dhuftay wejiga
Laakin, sidee buu muuqaalku u faafay markii hore?
Waxa la dareensanyahay in macallimaddu ay ahayd qofka duubay muuqaalka sida ka muuqato xagasha sawirka, mana jirin qof kale oo ka dambeeyay muuqaalkan baahay iyada ama cunuga.
Macalimada ayeey ahayd qofkii soo dhigay muuqaalka bogga Facebook ee Xarunta Waxbarashada Gaarka ah. Waxaana la socday qoraal faallo ah.
Macallimada ayaa si degdeg ah u tirtirtay muuqaalka – kaas oo ay aaminsaneyd inay si qalad ah u soo dhigtay – laakiin tiro ka mid ah isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa lasoo degay muuqaalka si ay ugu faafiyaan baraha bulshada ka hor intaysan tirtirin macllimadu.