Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Urur goboleedka ECOWAS ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Senegal oo doorashada madaxtinimo ay dib u dhacday ilaa bartamaha December.
Bayaan uu soo saaray Talaadadii, ECOWAS “waxay ku talinaysaa in laga hortago fal kasta ama hadal kasta oo ka hor iman kara qodobada Dastuurka dalka” oo ay dadka ugu baaqayaan in ay nabadda ilaashadaan.
Waxa ay sidoo kale lagu booriyay saraakiisha amniga in ay si buuxda u xakameeyaan oo ay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah ee dhammaan muwaadiniinta.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Aminata Toure ayaa qoraal ay soo dhigtay online-ka ku cambaareysay ansixinta sharciga.
Ugu yaraan 150 qof ayaa la xiray laba maalmood oo mudaaharaadyo ah.
Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ayaa qorsheynaya in ay maxkamadda sare horgeeyaan go’aanka madaxweyne Salal ee uu dib ugu dhigay doorashada.