Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa markii ugu horreysay taariikhda dalka Namibia xilka madaxtinnimo loo doortay qof Haweeney ah.
Netumbo Nandi-Ndaitwah oo ahayd musharraxii xisbiga SWAPO ayaa tartanka ku guulaysatay sida uu shaaciyay guddiga Doorashooyinka ee waddankaasi.
Nandi-Ndaitwah oo 72 sano jir ah ayaa ahayd Madaxweyne ku xigeenka Namibia waxayna la wareegaysa jagada ugu sarreysa ee hoggaanka.
Tani ayaa sii xoojin doonto muddo xileedka xisbiga talada haya ee Namibia ee SWAPO oo dalkaasi soo maamulayay 34 sano.
Warbixinta guddiga doorashooyinka waxaa ku cad in ay heshay boqolkiiba 57 ee codadkii la dhiibtay.
Ka dib markii ay doorashada ku guulaysatay ayay madaxweynaha cusub ee Namibia sheegtay in shacabka dalkaasi ay u codeeyeen nabadgalyo iyo xasillooni.