Dalalka Yurub Qaarkood oo Wajahaya Mowjado Kuleyl ah

0
211

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa maalmihii la soo dhaafay halkii ugu sarreysay gaaray heer kulka qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.

Waddamada ku yaalla galbeedka Yurub ayaa la sheegayaa maanta oo Talaada ah inay wajahayaan kuleyl daran, iyada oo kuleylka uu ku sii socda waqooyiga qaaraddaasi.

 Dalalka Faransiiska iyo Sapain waxaa lagaga dhawaaqay digniino la xiriira kuleylka, halka waqooyiga Spain laga diiwaan geliyey heer kul gaaraya 43 celcius cabbirka heer kulka.

Dhinaca kale, dab ka kacay keymo ku yaalla Faransiiska, Portugal, Spain iyo Griigga ayaa horseeday in kumannaan shacab ah ay guriyahooda ka qaxaan.

Inta badan Galbeedka Yurub waxaa ku sii badanaya kulaylka. Dhanka Koonfur-galbeed ee Faransiiska, kooxaha dab-damiska ayaa la dagaallamaya si ay u xakameeyaan dabka ku faafaya keymaha gaar ahaan xeebaha Atlantic.

Britain ayaa laga yaabaa inay wajahdo maalinteedii ugu kululeyd abid maanta oo (Talaado) ah iyadoo dadka saadaaliya cimilada ay tibaaxayaan in heerkulka uu gaari doono in kabadan afartan (40) darajo.