Dalalka Carabta oo isla qaatay qorshaha Masar ee Gaza.

0
87

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dawladaha Carabta ayaa isla qaatay qorshe ay soo bandhigtay Masar oo ku aaddan mustaqbalka Gaza, waxayna beesha caalamka ugu baaqeen in la taageero qorshahaas. Israa’iilna waxay sheegtay in Xamaas aysan wax door ah ku lahayn mustaqbalka Gaza.

Masar waxay soo saartay hannaan faahfaahsan, oo leh dukumeenti ka kooban 91 bog oo ay ku jiraan sawirrada xaafadaha iyo dhismayaasha waaweyn oo ah kuwa dadweyne, si ay uga hortagaan qorshaha Maraykanka ee Falastiiniyiinta looga rarayo Qasa, kaas oo ka yaabiyay dunida Carabta iyo dalal kale.