Dal Yurub ku yaalla oo lacag ku bixinaya inay tahriibeyaasha u soo tallaabaan

0
170

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda UK ayaa shirkad qandaraasyada ka shaqeysa u kireysatay si ugu soo tallaabiso dadka tahriibeyaasha ah ee isku dayaya in ay doomaha uga soo gudbaan badda English Channel.

Muddo lix bil ah ayay shirkaddaas dowladda u qaban doontaa shaqadan oo lagu siinayo lacag dhan labo milyan oo gini.

Warka ku saabsan heshiiskan waxaa shaaciyay wargayska Guardian, balse faahfaahinta ayaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee dowladda UK.

Waxaa lasoo tebiyay in wasaaradda Arrimaha Gudaha ay tallaabadan qaadday kaddib markii ay soo baxeen xiisado la xiriira in ciidamada badda ay xilli kasta ku khasbanaadaan inay soo badbaadiyaan tahriibeyaasha doomaha saaran.

Sida ay muujiyeen tirakoobyada laga soo xigtay Wasaaradda Gaashaandhigga UK, bishii July oo keliya waxaa UK u gudbay 3,683 qof oo ka tagay Faransiiska, kuwaasoo dhammaantood ka tallaabay biyaha English Channel.

Tan iyo billowgii sanadkan, tirada tahriibeyaasha ayaa gaartay 17,000 oo qof.

Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa aaminsan in tiradan ay gaari karto ilaa 60,000 dabayaaqada sanadka, waana labanlaabka tiradii sanadkii hore.

Badda English Channel waa mid ka mid ah marinnada ugu halista badan caalamka, waxaana si joogto ah uga dhaca shilal dhimasho badan sababa.

Bishii November ee sanadkii 2021, 30 qof oo saarnaa doon wadday 32 ruux ayaa ku dhintay biyahan, waxayna taasi noqotay tiradii ugu badnayd ee hal shil ku dhintay.