Dadweynaha Deegaanka Dhoobley oo soo dhaweeyay adeegyada nadaafadeed ay shirkadda Jubba ka samayso Deegaanka

0
290

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose oo mudooyinkii danbe aad u balaaranesay ayey dadka deegaanka waxay aad uga caban jireen qashinka oo meel aan haboonayn lagu shubi jiray Cid ka shaqeysana aysan jirin islamarkaana laga yaabaa in uu khasaaro ka dhasho sida dabka oo kale.

Dhowr mar ayay magaaladu halis u gashay qashinka Magaalada maasheeyay, hada waa laga baxay arinkaasi oo ma jirto meel qashin yaalo oo aan munaasab ahayn intii la aas aasay kambaniga jubba cleanic waxaa laga reestay mas’uuliyad xumadii ka jirtay dhinaca qashinka.

Qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaalada Dhoobley ayaa soo dhaweeyay adeegyada nadaafadeed ay shirkadda Jubba ka samayso Deegaanka iyagoo islamarkaasi ka aragti dhiibtay farqiga u dhaxeeya bilicda deegaanka  hada iyo waqtigii hore.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya