Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kumannaan muhaajiriin ah oo Mareykanka tegay xilligii maamulka Biden isla markaana ku baxay barnamaij gaar ah oo jadwal loogu sameeyay ballamaha dadka magangalyo-doonka ah ayaa lagu amray inay dalkaasi degdeg uga baxaan.
Ku dhowaad 900,000 oo muhaajiriin ah oo dhanka koofureed kasoo galay kuna tegya barnaamijka, CBP One, ayaa loo oggolaaday inay Mareykanka joogaan muddo labo sano ah ayna uga shaqeystaan si sharci ah.
Haatan, qaar badan oo ka mid ah ayaa lagu wargeliyay in lagala laabtay fursaddaas ayna ciqaab mudan doonaan haddii ay kusii negaadaan Mareykanka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa muddo ballan-qaadayay in muhaajiriin badan uu ka saari doono Mareykanka.