Dadka waayeelka ee Dalka Japan oo aad ugu dhimanaya cudurka Covid 19.

0
64

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Japan oo mar lagu tilmaami jiray meelaha ugu dhimashada yar cudurka Covid 19 ayaa haatan tirada dhimashada cudurkaa ay kor u kacaysay tan iyo dhammaadkii sanadkii 2022 kii.

Meeshii uu sarreysay ayey gaaraty 20 January ee sanadkan iyadoo ka sara martay Ingiriiska, Mareykanka iyo koofur kuuriya, sida ay sheegtay Jaamacadda Oxford qeybta xogaha caalamka.

Japan ayaa lsi weyn looga xiray dadka ajnabiga ee booqanaya laga bilaabo 2020 ilaa iyo bartamihii sanadkii tagay. waxaana ay xuduudaheeda u furtay si taxadar lehiyadoo shuruud looga dhigay dadka booqanaya in ay ceymis dhinaca caafimaadka ah iibsadaan, Af xirkana ay ku qaataan goobaha dadku isugu yimaado.

Qaar ka mid ah ardayda ayaa cuntooyinka ku cunayey aamusnaan muddo labo sano ka badaniyadoo dugsiyadu soo rogeen mamnuucid la saaray xilliga qadada in cuntada lagu dul sheekeysto.Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Fumio Kishida ayaa horraantii Bishan sheegay in heerka Covid hoos loo dhigo laakiin khubaradaoo u uku jiro la taliyaha saree e Japan u qaabilsan coronavirus Shigeru Omi ayaa isna ku baaqayey arrintan tan iyo sanadkii hore.