Dadka reer Algeria oo dooranaya madaxweyne cusub.

0
47
A woman casts her ballot at a polling station in Bouchaoui, on the western outskirts of Algeria's capital Algiers, on June 12, 2021 during the 2021 parliamentary elections. - Polls opened in Algeria for a parliamentary election overshadowed by a crackdown on a long-running protest movement that has campaigned for a mass boycott. Pro-government parties have urged a big turnout for the "crucial vote" which they hope will restore stability after two years of turmoil since the forced resignation of veteran president Abdelaziz Bouteflika. (Photo by RYAD KRAMDI / AFP)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 24 milyan oo codbixiyeyaal Algerian ah ayaa maanta oo Sabti ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne cusub oo dalkaasi yeesho.

Saddex musharrax ayaa ku tartamaya doorashadan madaxtinimo: Madaxweynaha hadda, Abdelmadjid Tebboune (78 jir), saxafi hore iyo madaxa Jabhadda Socialist Forces, Youssef Ouchich (41 jir), iyo Abdelali Hassani sherif (oo 57 jir).

Doorashadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ka dhacda dalkaasi, kadib markii ay dalkaasi ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata oo dalkaasi ka dhacay muddo ku dhow 5 sano ka hor, taasi oo keentay in uu xilka iska casilo Madaxweynihii geeriyooday ee Abdelaziz Bouteflika, kadib mudo ka badan 20 sano oo uu dalkaasi xukumayay.

Goobaha codbixinta ayaa furmay subaxnimadii sabtida maanta islamarkaana Natiijooyinka hordhaca ah ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo fiidnimada Sabtida, iyadoo natiijada rasmiga ah ay soo bixi doonto maalinta Axadda.