Dadka naafada ah ee ku nool Dhuusamareeb oo codsaday in fursado shaqo lasiiyo.

0
122

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Axmed Ciise Cabdi waa xoghayaha naafada Dhuusamreeb waxaa uu sheegayaa in ay jiraan xeerar loogu talagalay in sare loogu qaado xuquuda naafada isagoona codsay in xeerarkaasi uu dabaqo Maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha naafada Dhuusamreeb Cabdi Jaamac Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay jiraan fursado shaqo oo uu Maamulku bixiyo islamarkaana waxaa uu tilmaamay in jiraan caqabado ka hortaagan in naafadu ay fursadaas ka qeybqaatan.

Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixintan ku eegaya