Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Jasiirada buur gaabo oo hoos timaada degmada badhaadhe ee gobolka jubada hoose waa deegaan dadkeeda iskugu jira beeraley iyo kallumaysato.
Qaar kamid ah dadka ku nool jasiirada buur gaabo ayaa waxay sheegeen in jasiirada buur gaabo ay ka jirto biyo la’aan baahsan oo saamaysay dadka iyo duunyada ku nool halkaasi.
Dadka halkaasi ku nool ayaa biya la’aan awgeeda uga baxay guryahooda inta ku hartay jasiirada buur gaabo oo ku samirtay biya la’aanta ayaa waxa biya dhaamin looga Keenaa meel u jirta 60km waxaana looga keena doonyo waxaana jirgaankii ama fuustadii looga iibiya lacag aysan awoodin.
Hadaba waakuwan qaar kamid dadka dagan jasiirada buur gaabo oo la hadlay warbaahinta iyagoo ka warbixiyay saamaynta ay dhalisay biya la’aan jirta
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan ku eegaya