Dadka ku nool deegaanka istabuul ee duleedka kismaayo oo codsaday in gargaar cafimaad lala soo gaaro

0
238

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dawlad goboledka jubbaland ayaa ah mid kamid ah wasaaradaha ugu shaqada badan hase yeeshee waxaa jiro qaar kamid ah bulshada ay u adeegto oo ka naawilay in ay gacantooda gaarto kuwaas oo ka cabanayo caafimaad Darro si kala duwan u soo wajahday.

Guud ahaan barakacayaashu waa kuwa ugu badan ee caafimaad darrada la kulma iyadoo taasi u sababtay aqal somaaliga isku raranka ah ee dacalka isku haya iyo sido kale tirada musqulaha oo aad u yar.

Degaanka istanbuul ayaa sanadkii u dambeyay kusoo barakaceen danyar tiro badan oo kaso kicitamay degaanada kale ee jubaland iyagoo falisay kadib markii ay ku dhufatay abaar aad u kulul oo xolihii ay heesteen galaafatay.

Qaar kamid ah hoyooyinka degaankan kusoo barakacay oo ka warbixinaya xaladoda cafimaad ayaa warbaahinta la hadlay iyagoo codsaden in cafimaad dag dag ah lala so gaaro.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa