Dadka ka shaqeeya keenista carrada guryaha lagu dhiso oo ka warbixiyey shaqadooda

0
259

Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada hoose ma laha buuro laga qodo dhagaxda guryaha lagu dhiso waxaana taa baddalkeeda meel masaafo fog u jirta laga keenaa carro si looga sameeyo Bulukeeti, hadaba qaar kamid ah dadka ka shaqeeya keenista carradaasi ayaa cabasho ka muujiyey dhaqaalo xumo ay sheegeen inay wajaheen muddooyinkii danbe.

Badri Axmed Shariif iyo Cali Xuseen oo  carrada Guryaha lagu dhiso keena magaalada Dhoobley iyagoo adeegsanaya Gawaadhi ayaa sheegay in meesha ay carrada ka keenaan  ay tahay mid fog, shidaal badanna kaga baxo isla markaana aanay ka helin nacfi badan.

 

Xasan Maxamed Cabdullaahi ayaa ka warramaya