Dadka dan yarta ah ee ku nool kamamka Barakacyaasha Dhoobley oo cabasho ka muujiyay sara u kaca ku yimid qiimaha maciishada.

0
219

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Soomaaliya ayaa waxa ka jirta abaar aad u daran taas oo saameesay dad iyo duunyaba waxaana soomaalida inta badan ku tiirsanyiin dhaqashada xoolaha. qaar kamid ah dadkii kusoo ceertoobay abaarta islamarkaana xoolohoodii kuwayay ayaa ku soo barakacay dagmada dhoobley.

Dagmada dhoobley ayaa waxaa ku yaalo kaamam ay iska kaashadeen dowlad goboleedka jubaland iyo hay’adaha samafalka ee ka howlgala dagmada dhoobley oo ay uga yagleeleen dhul ay dagaan dadkii ay abaartu saamaysay.

Hadaba qaar kamid ah dadka barakacayaasha  ee ku dhaqan deegaanka dhoobley ayaa ka cabanayaa saamaynta sare ukaca maciishada oo aad u sareysaa

Dhanka kale gudoomiyaha kaamka daryeel iidle aden xassan ayaa dhankiisa ka warbixiyay saamaynta dadkan danyarta ah ay ku yeelatay sara u kaca maciishada.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya