Dadka Beeraleyda ee ku nool deegaanada dhaca jiinka Webiga Jubba oo ka mahadceliyey agab ay gudoonsiisay Wasaaradda Beeraha Jubbaland.

0
177

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Beerahu waa mid kamid ah ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsan yihiin soomaalida, bulsha weynta soomaaliyeed ayaa muddo fog ku fooganaa beerashada dhir kala duwan oo munafacaad leh.

mudadaas aadka u fog majirin beeraleyda hay’ad ka tageeri jirtay fududeynta soo saarashada quudarta iyo miraha kale ee ka baxa deegaanka.Jinka webiga jubba ayaa isagu ah meelaha ugu badan ee ay beeraleydu beertan, beeraleydan ayaa aad isugu howla in ay soo saaraan qudaarta si ay u bec gestaan oo nolol malmeedkooda uga soo saartaan.

Wasaaradda beeraha iyo warabka jubbaland oo ah wasaaradda u tagan garab qabashada beeraleyda reer jubbaland aya agab iyo tababaro u qabatay beeraleyda deeganada dhaca jinka webiga sida goobweyn,yoontoy iyo bula guduud iyadoona gacanta u galisey agab walba oo lagama marmaan uu ahaa.

Qaar kamid ah dadki ka fa’ideystay oo warbahiinta la hadlay ayaa u mahdceliyay wasaaradda beeraha iyo waraabka dowlad goboleedka jubbaland iyagoona ka codsaday in intaa iyo in kabadan ay garab istaag uu muujiso wasaaradda.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan ku eegeysa