Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Qaar ka mid ah dadka ay abaartu saamaaysay ee ku nool deegaanada iyo Jasiiradaha gobolka Jubbada Hoose ayaa lagaar siiyay deeq raashin ah oo ka kooban Bur,bariis ,Caano ,timir iyo saliid taas oo ka timid isu taga Imaaraadka Cabarta.
Deeqdan raashinka ah oo loo soo wakiishay Hay’adda khayriga ah ee towfiiq ayaa waxaa ka faa’iidaystay 1,500 oo qoys kuwaas oo qaarkood ay abaartu ka dhamaaysay xoolihii ay dhaqanjireen.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan ku eegeysa