Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Inta la xaqiijiyay ku dhowaad lix Ruux ayaa geeriyootay kadib markii dabaylo ay sababeen in ay isku-dhacaan 21 gaari wadada Interstate 90 ee gobolka Montana dalka Mareykanka.
Sidda ay mas’uuliyiinta maxaliga ah ay shaaca ka qaadeen Darawalada ayaa Gaadiidka xakameyn waayeen kadib markii ay dabeysha ka awood badisay, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo iyo burburka gawaari farabadan.
Dhimashadda ayaa, sidda laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka federaalka, waxaa laga cabsi qabaa in ay intaan kasii badato maadaama ay jiraan dhaawacyo halis ah oo xaaladooda ay la tacaalayaan isbitaaladda.
Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha Mareykanka ayaa ku howlan sidii loo sameyn lahaa qorshooyin lagu xakameyn karo inay sii badato dhibaatada.