Dad ku dhintay shil ka dhacay dalka Masar

0
156

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan sagaal ruux ayaa geeriyootay, halka 18 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii uu rogmaday gaari bas ah oo siday rakaab Koofurta dalka Masar.

Gaariga Baska ayaa dad ka soo qaadayay gobolka Sohag isaga oo u waday magaalada Qaahira Qaahira, sida ay sheegeen Goobjoogeyaal.

Gawaarida ambalaasta ayaa gaaray goobta waxayna dadkii dhaawaca ahaa u qaadeen isbitaalada ku yaala Minya oo Koofurta ka xiga magaalada Caasimada ee Qaahira.

Shilalka gaadiidka ayaa aad ugu badan dalka Masar, taasi oo ay sabab u tahay taxar la’aanta darawlada oo xawaare ku kaxeeya Gawaarida iyo Waddooyinka oo burbursan.