Dad ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Kazakhstan.

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen 67 qof ay ku burburtay dalka Kazakhstan, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Wasaaradda gurmadka degdega ah ee dalka ayaa sheegtay in ay jiraan 25 qof oo badbaaday.

Diyaaradda oo ay iska lahayd shirkadda Azerbaijan Airlines, ayaa dab qabsaday xilli ay ku soo dhacday meel u dhow magaalada Aktau. Lama oga sababta shilkan keentay.