Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa geeriyooday 5 qof oo kalena xaaladooda caafimaad ayaa laga deeyrinayaa kadib dadkaas oo ku nool dowlad degaanka Soomaalida ay cuneen Hilib Geel la sumeeyay.
Dhacdadaan ayaa ka dhacday Santarka Qabri-hanteen oo dhinaca waqooyi 6km ka xigta magaallada Harta-sheekha ee dhulka dowlad degaanka Soomaalida.
Maamulka Santarka Qabri-hanteen iyo dadweynaha degaanka ayaa u gurmaday dadka cunay Hilibka Geella, iyaga oo geeyay Goobaha Caafimaadka si loola tacaalo xaaladooda Caafimaad.
Ma ahan markii ugu horreeysay oo degaanka Soomaalida ay dad u dhintaan hilib sumaysan, hayeeshee todobaadkii hore ayay ahayd ka dib markii ay dad ku sumoobeen hilib Geel oo ay cuneen.