Dad ku dhintay goob macdanta laga qodo oo ku duntay Nigeria.

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan toban macdan qodayaal ah ayaa ku dhintay kadib markii ay ku soo duntay goob laga qodo dahabka oo ku taal gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed Nigeria, sida uu BBC-da u xaqiijiyay maamulka golaha deegaanka Jimcihii.

Warar kale ayaa sheegaya in tiradu ay intaas ka badan karto.Dadka deegaanka ayaa sheegay in shilkan uu dhacay saacadihii hore ee shalay, waxaana laga yaabaa in ay sababtay roobab mahiigaan ah. Dhimashada ayaa korortay iyadoo qaar kale oo badan la rumeysan yahay inay weli ku xayiran yihiin goobta.

Bello Muhammad Ja-Baka, oo ah guddoomiyaha dowlad deegaanka ayaa sheegtay in ay socdaan dadaallo lagu samata bixinayo, isagoo intaa ku daray in goobta ay ku soo duntay miinada ay adkeysay in shaqaalaha gurmadka ay ku sugnaadaan waqtigii loogu talagalay.