Dad ka qeyb geli lahaa doorashada Kenya oo shil ku geeriyooday

0
227

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan Saddex qof ayaa ku naf waayay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Shil gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii uu rogmaday Gaari landcruiser ah xilli uu marayay degaanka tesa-ramo ee duleedka Mandheera markii wadihii gaariga uu xakameyn waayay.

Todobo ruux oo kale oo gaariga saarnaa ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, waxaana isla markiiba loola cararay goobaha caafimaadka ee halkaasi ka dhow, si halkaasi loogu dabiibo.

Booliiska iyo kuwa gurmadka degdega ah ayaa xaqiijiyay in kuwa isbitaalka ku jira ay xaaladdoodu wanaagsan tahay.

Dadka Shilka ku waxyeeloobay ayaa la rumeysan yahay inay u socdeen magaalada Takaba si ay uga qayb qaataan doorashada guud ee Talaadada beri ka bilaabaneysa dalka Kenya.