Dad Cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Shabeellaha Dhexe

0
472

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Inta la xaqiijiyayilaa Afar Ruux ayaa Cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday dad kalena waa ay la jiifaan degmada Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xaalad adag ayaa la sheegay inay xillugaan kajirto degmada Mahadaay kaidb markii uu guray Wabiga Shabeelle, waxaana ka dilaay cudurka Shuban biyoodka oo dad u dhimanayaan.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Saalax Fuleyl Xaaji ayaa sheegay maadaama lagu jiro waqti jiilaal ah oo Wabiga uu yahau mid faaruq ah cidkasta oo cabta dad iyo duunyo Biyaha haraaga ah ee Wabiga kujira uu ku dhacayo Shuban Biyoodka.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Xaafada Kacaanka ee degmada Mahadaay ay ku geeriyoodeen Saddex Ruux oo kala ah Odayaal da’ah iyo laba Carruur ah, isla markaana hadii aan laga soo gaarin ay dhibaatada sii xoogey saneyso.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Saalax Fuleyl Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in degmada Mahadaay aysan h3lin gurmad dowladeed iyo mid Hay’adeed, wuxuuna dalbaday in ai deg deg ah loogu soo gurmado Bulshada inta uusan ku faadin cudurka.

Marka laga gaaro sanad walba xilliyada kuleylka ayaa waxaa meelo badan oo dalka ah ka dilaaca cudurka Shuban biyoodka, kaas oo ay dad farabadan u dhintaan.