Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dabeeylo xooggan oo waqtigan ka jira xeebaha Badweeynta Hindiya ayaa saamayn ku yeeshay kaluumaysatada xeebaha magaalada Kismaayo,waxaana yaraaday ganacsiga kalluunka taas oo ay sabab u tahay kacsanaanta Badda.
Mid ka mid ah bad maaxiinta Kismaayo oo warbahiinta la hadaley ayaa ka warbixiyay caqabadaha soo wajahay kalluumeysatada.
Dhanka kale mid kamid ah haweenka ka ganacsada kaluunka ayaa dhankeeda kawarbixisey kaluun yariida soo wajahaday ganacsatada kaalluka.
Si kastaba hanoqtee dadka ka ganacsada kalluuka ayaa sheegey in xiligaan wixi ka danbeeyo ay kacayaan dabaylo caqabdab ku noqonaya in guudaha badda laga soo kallumeysta
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan ku eegeysa