Dab ka kacay Kuuriyada koofureed oo sii faafaya.

0
71

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dabkii ugu xoog badnaa taariikhda Kuuriyada koofureed ayaa dilay ugu yaraan 27 qof isagoo tobanaan kalena dhaawacay. Dadka dhintay ayaa u badnaa dad waayeel ah.

Ayadoo uu dabku ku sii fidayo koofurta bari ee dalka, ayaa in ka badan 120 Helikobtar waxaa loo diray seddex gobol. Shaqaalaha ayaa ku dadaalaya inay badbaadiyaan farshaxan taariikhi ah oo yaalla goobo macbadyo ah.

Mas’uulka dalkaas u qaabilsan ka hortagga masiibooyinka Lee Han-kyung ayaa sheegay in heerka uu dabku gaarsiisan yhay uu muujinayo runta kharaar ee mushaakilka cimilada, ayadoo xaaladaha cimilada qallalan ah iyo dabaylo xoog leh ay sii badiyeen khasaaraha