Daaweyn iyo baaritaano caafimaad oo loo sameeyay qoysas ka barakacay fataahada webiga shabeelle ee Baladweyne

0
102

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha guud ee Isbitaalka Faaruukh oo ku yaalla xaafadda Hoolwadaag ee Magaalada Baladweyne Dr Cabdi Qani Ibraahim Xuseen iyo qaar kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa daweyn iyo baaritaano caafimaad u sameeyay qoysaska danyarta ah ee ku nool tuulada Shiima oo ku taalla duleedka galbeed Baladweyne.

Bukaanada laga helo cudurada laga baaray ayaa la siiyay dawoooyin bilaash ah iyo talo caafimaad si ay u muujiyaan taxdar maadama xiligan oo kale marka wabiga biyuhu naqaan ay dilaacaan cuduro kala duwan.

Maxamed Cali Samow.ayaa fah-faahinaya