Daafac Katirsan Arsenal Oo Loo Soo Bandhigay Heshiis Lacag Waalli Ah

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta ee Al-Nassr ayaa qorsheynaysa inay dalab weyn u soo bandhigto daafaca dhexe ee Arsenal, Gabriel Magalhães, xagaaga soo socda. Wararka ayaa sheegaya in Al-Nassr ay diyaar u tahay inay Gabriel siiso mushaar gaaraya €20 milyan sanadkii, taas oo saddex jeer ka badan waxa uu hadda ka qaato Arsenal, islamarkaana canshuur la’aan ah.

Gabriel, oo 27 jir ah, ayaa ku soo biiray Arsenal sanadkii 2020 isagoo ka yimid kooxda Lille ee dalka Faransiiska. Tan iyo markaas, wuxuu noqday tiir muhiim ah oo difaaca kooxda, isagoo sameeyay 209 kulan oo rasmi ah isla markaana dhaliyay 20 gool. Sidoo kale, Gabriel wuxuu saxiixay heshiis cusub oo waqti dheer ah bishii Oktoobar 2022, kaas oo soconaya ilaa 2027.

Al-Nassr, oo ka dhisan Sacuudiga, ayaa caan ku ah soo xero-gelinta ciyaartoy magac leh. Haddii Gabriel uu aqbalo dalabka Al-Nassr, wuxuu ku biiri doonaa ciyaartoyda caanka ah sida Cristiano Ronaldo, kaas oo heshiiskiisu dhacayo xagaagan, balse la filayo inuu kordhiyo.

Arsenal, dhankooda, waxay doonayaan inay sii haystaan Gabriel, iyagoo qorsheynaya inay la galaan wadahadalo ku saabsan kordhinta heshiiskiisa. Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha cusub ee isboortiga, Gabriel Berta, uu hogaamin doono wadahadaladaas. Qiimaha suuqa ee Gabriel ayaa lagu qiyaasaa £100 milyan, taas oo muujinaysa sida uu muhiim ugu yahay kooxda.

Mustaqbalka Gabriel ayaa laga yaabaa inuu ku xirnaado sida uu xilli ciyaareedkan u dhamaado. Arsenal waxay ku jirtaa kaalinta labaad ee  Premier League, iyagoo 12 dhibcood ka dambeeya Liverpool. Sidoo kale, waxay ku jiraan wareega 8-da ee  Champions League, halkaas oo ay la ciyaari doonaan Real Madrid. Guulaha laga gaaro tartamadaas ayaa saameyn ku yeelan kara go’aanka Gabriel ee mustaqbalkiisa.