Culumada Dhoobley oo Maamulka Deeganka ka codsaday in la dhawro hab-dhaqanka dhalinyarada

0
172

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dhalinyaradu waa laf dhabarta bulshada wana u dhuub dhaxadka bulsho waliba oo koonkan saaran, bulshada soomaliyeed boqolkiiba todobaatan waa dhalinyaro wana jilka cusub ee lagu Taamayo in ay wadanka hoogamiyaan.

Dhalinta maanta ayaa inta badan lagu dhaliilaa in ay yahiin kuwa kasi talaabayo dhaqankii soo jireenka ahaa ay soomalida lahayd iyaado la janqadayo casriga cusub

Sheekh xasan raage oo kamid ah Culumada Magaalada Dhoobley ayaa ka codsaday maamulka Degaanka in ay talaabo ka qaadaan Dhalinyarada aan sida wanagsaneen u labista kuwaasi oo baal marasan dhaqanka suuban ee Islaamka.

Dhanka kale mid kamid dhalinyarada deeganka ayaa isna geestiisa ka hadley sida loo waanin karo dhalinyarada kuwaas oo intooda badan mudooyiinki danbe ahaa kuwa qaab labiskooda aan wanaagsanayn.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa