Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulan diimeedkan oo ahaa mid sanadla ah islamarkaana ahaa kii 7-aad oo ay soo qaban qaabiyeen culimada Al-ansaaru Sunah ayaa waxaa ka qeyb galay culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo kala yimid Dalka iyo dibadiisa.
kulankan oo socday mudo lix Maalmood ah ayaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya.
Qaar kamid ah culimada ugu waaweyn Soomaalida ee qeybta ka ahaa shirka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha ka socda qeybo kamid ah dalka.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa fah-faahineysa