Culimada Kismaayo oo bulshada ka codsaday in ay kala qayb qaataan dhismaha Madaraso wax lagu baro Caruur danyar ah

0
114

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Machadka Misbaax ee Magaalada Kismaayo oo si lacag la’aan Qur’aanka Kariimka loogu baro caruur danyar iyo agoon ah iyo sido kale Haweenka Waawayn ayaa waxaa soo wajahay duruufo dhanka dhismaha ay deganyihiin oo ciriiri ah .

Dugsigan lagu barto Qur’aanka ayaa ka guuraya meeshi hore oo uu daganaa ka dib markii dhul laga siiyaay xaafada Guulwade kaas oo hada la doonayo in la dhiso si caruurtas danyarta ah ay wax barashadooda u sii wataan .