Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka ee loo soo gaabiyo CDC ayaa Isniinti, in 73 boqolkiiba kiisaskii la diiwaangeliyay todobaadkii hore ay noqdeen cudursidaha Omicron ee Covid-19.
Saddex todobaad ayaa laga joogaa markii dalka Mareykanku uu diiwaangeliyay kiiskii ugu horreeyay ee tafiirta Omicron.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in Omicron uu hadda ka dheereeyay nuuca Delta oo ahaa kan ugu badan ee ay u dhimanayeen ama isbitaallada loo geynayay dadka Mareykanka bilihii u danbeeyay.
Gobolka New York oo kaliyah, 90 boqolkiiba ayay gaareen kiisaska cusub ee dadka uu ku dhacayo Omicron, waxaa kasii badan gobollada Koofurbari, kuwa warshadaha caanka ku ah ee Galbeedka dhexe iyo gobollada kulaala badda Baasifigga.
Saraakiisha caafimaadku waxay ka digeen in kiisasku ay cirka isku shareeri karaan, marka la gaaro fasaxa ciidda masiixaga ee dhamaadka bishan December ama wixi ka danbeeya. Dadka ayaa looga digay safarrada iyo goobaha la isugu yimaado.
Xanuunka ayaa laga cabsi qabaa in uu saamayn ku yeeshee howlwadeennada caafimaadka iyada oo la saadaaliyay in 30% ay suuragal tahay in uu haleelo xanuunka taa oo wiiqi karta hannaanka caafimaadka Mareykanka oo sanadihii dambe sii liicayay.