Cudur u faafa sida Ebola oo kiisaskii ugu horeeyay oo dhimasha laga soo sheegay dalka Chana.

0
153

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka caafimaadka Ghana ayaa Axadii xaqiijiyay dhimashada laba qof oo laga helay fayraska Marburg, oo ah fayras aad u faafa sida Ebola.

Kiiskii ugu horreeyay wuxuu ahaa nin 26 jir ah oo isbitaal lagu baaray 26-kii Juun wuxuuna dhintay 27-kii Juun.

Kiiskii labaadna waxa uu ahaa nin 51 jir ah oo cusbitaalka tagey 28-kii June, isla maalintaasna ku dhintay, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, taas oo tilmaantay in labadooduba ay isku cisbitaal ku daweeyeen.

natiijada waxaa xaqiijiyay shaybaar ku yaal Senegal si kiisaska loogu tixgeliyo in la xaqiijiyay in Viruska loomaleenayo yahay , sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka.