Cristiano Ronaldo oo taariikh u dhigay horyaallada waaweyn ee qaaradda Yurub

0
217

Ronaldo ayaa ahaa baddel aanan la isticmaalin ciyaartii ay xalay kooxdiisa ka adkaatay naadiga Bologna, sidaas oo ay tahay waxa uu ku guuleystay gool dhalinta Serie A kaddib markii uu dhaliyay 29 gool xilli ciyaareedkan isagoo shan gool ka sarreeyay xiddiga kusoo xiga ee Romelu Lukaku.

36-sano jirkan ayaa noqday ku guuleysataha gooldhalinta horyaallada Serie A, LaLiga iyo the Premier League, waxaana uu kabtanka Portugal ku guuleystay gooldhalinta horyaalka Spain sanad ciyaareedyadii 2010-11, 2013-14 iyo 2014-15, halka uu kabta horyaalka EPL ku guuleystay sanad ciyaareedkii 2007-08.

Wadar ahaan, Cristiano Ronaldo ayaa Juventus u dhaliyay 81 gool oo Serie A ah kaddib 97 ciyaarood uu horyaalka u ciyaaray tan iyo markii uu xagaagii 2018 kaga yimid dhanka kooxda Real Madrid.