Cristiano Ronaldo oo sheegay shuruuda kaliya uu kusii joogayo Man United Xilli Ciyaareedka soo socda

0
288

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa shuruud muhiim ah ku xiray inuu ogolaado inuu kooxda la sii joogo inta lagu jiro xilli ciyaareedka soo socda, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska The Sun ee dalka England manta oo Isniin ah.

Wargeyska ayaa wuxuu warbixintiisa ku sheegay in Cristiano Ronaldo uu u sheegay saaxiibadiis inuu doonayo inuu kooxda ka sii mid ahaado, laakiin uu sidaas yeeli doono oo keliya haddii Erik ten Hag uu ku dhago isaga, oo uu ku daro qorshihiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Ronaldo ayaa doonaya inuu xaqiijiyo ka qaybqaadashadiisa joogtada ah ee kooxda tababaraha reer Holland, sababtoo ah wuxuu weli ku haminayaa inuu jabiyo rikooro badan. Sidaa darteed, kama labalabayn doono inuu kooxda ka tago haddii uu dareemo in Ten Hag aanu soo dhawaynayn sii joogistiisa kooxda.

Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu sidoo kale saaxiibadiis kooxda Manchester United u sheegay in haddii uu Erik ten Hag go’aansado inuu ku tiisanaado jiho kale, inuusan xanaaqi doonin, oo uusan ka shallayn doonin dib ugu laabashadiisa garoonka Old Trafford.